Wasiir sheegay boob hantiyeed cusub oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga DF Somalia Cusmaan Aadan Dhuubow oo la hadlaayay Idaacada SMN ee magaalada muqdisho ayaa ka hadlay shirarka Hiigsiga 2016 ee ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in ujeedka shirkaasi uu yahay in lagu lunsado dhaqaalaha yar ee ku harsan qasnada DFS, waxa uuna cadeeyay in shirarkaasi uusan aheyn mid Qaran balse uu yahay mid boob ah.

Cusmaan Aadan waxa uu tilmaamay in taasi lagu dareemi karo doorka dhalinyarada oo meesha ka maqan waxa uuna farta ku goday haddii shirkaasi uu yahay mid Qaran sababta keentay in Beelaha ka maqan shirka looga soo qeybgalin wayay.

Sidoo kale, Cusmaan Aadan waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan aysan wali arag kaalintii dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku lahaayen Shirka Hiigsiga waxa uu cadeeyay in ujeedka shirkaasi kaliya uu yahay boob Qaran.

Waxa uu ka digay in hantida Qaranka lagu lumiyo shirar aan natiijo laheyn islamarkaana aan lagu simin xuquuqda beelaha.

Dhanka kale, Cusmaan Aadan ayaa DFS kaga digay in laga been abuuro natiijada kasoo bixi doonta shirarka socda oo uu sheegay inay noqon doonto mid lagu raali galin doono shaqsiyaad gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com