Xog: Sacuudiga oo shaaciyay qorsho ay ka fulin doonaan Somalia oo cusub & cabsi laga qabo..

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada Sacuudiga ayaa waxaa lagu shaaciyay in Isbaheysiga uu hogaaminaayo dalkaasi ee la dagaalama maleeshiyaadka Daacish uu bahwadaag la noqon doono DFS islamarkaana ay awoodooda gaarsiin doonaan dalka Somalia.

Warbixintaani ayaa waxaa lagu sheegay in Isbaheysiga ay ku kulansan yihiin 34 ay diyaarinayaa qorsho lagu maja-xaabinaayo Daacishta Somalia ee iminka ka curatay qaar kamid ah gobolada dalka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan 34 dowladood ee ku mideysan isbaheysiga ay soo dhaweeyen in Howlgaladooda ladagaalanka Daacish iyo xuthiyiinta ay u weecinkaraan Somalia.

Isbaheysiga ayaa waxaa ku jira Dowlado ay kamid yihiin Sacuudiga, Masar, Turkiga, Malaysia iyo Indonesia iyo dowlado ka leh oo lagu sheego inay lafdhabar u yihiin howlgalada argagixiso la dirirka.

Howlgaladaasi ayaa waxaa barbar yaacaya Dowlado dhowr ah oo Taageersan qaabka ay howlgalada u socdaan waxaana kamid ah Dowladahaasi Somalia, Sudan, Djibouti iyo Nigeria iyo wadamo kale.

Dowladaha Carabta oo ay ugu horeyso sacuudiga ayaa kasoo horjeeda in Somalia ay ka hanaqaado barta ay iminka taagan tahay, sababo la xiriira dhismaha Somalia oo hoos u dhac ku keeni kara Kheyraadka ku jira dalka Sacuudiga.

Ugu danbeyntii gunaanudka qoraalka ayaa waxaa lagu soo afmeeray in Isbaheysigaasi ay ka qebqaadan doonaan la dagaalanka Daacishta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com