Ethiopian la wareegay garoonka Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada ayaa waaberigii saaka tagay garoonka diyaarada Dhuusomareeb oo labadii bilood ee lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Ahlu sunna, kadib markii canshuurta ay ku kordhiyeen diyaaradihii halkaasi isticmaali jiray.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo watta sideed gaadiidka dagaalka ay la wareegeen maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb.

Urur goboleedka IGAD iyo dowlada Ethiopia ayaa waddo qorshe lagu dhex dhexaadinayo maamulka Gamudug iyo maamulka Ahlu sunna kaasi oo la qorsheynayo in bishan gudaheeda uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa loo xil saaray amaanka magaalada Dhuusomareeb oo shirka dib u hishiisiinta ka furmayo, sida dowlada Ethiopia iyo IGAD ay qorsheynayaan.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xirnaa muddo labo bilood ah sababo la xiriira canshuurta oo lagu kordhiyay diyaaradaha ka dagayay garoonka magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com