Dagaalka Habar-Gidir & Biyo-Maal oo ku faafay…

Marko (Caasimada Online) – Dagaal Beeleedka u dhaxeeyo maleeshiyaad ku abtirsada beelaha Habar-gedir iyo biyo maal ayaa ku faafay deegaano iyo degmooyin kale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu saaka ka bilowday degmada Shalanbood oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, kaasi oo u dhaxeeyo maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada Marko.

Maxamed Xuseen Shiino, afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in dagaalka maleeshiyaadka uu ku faafay deegaano dhowr ah oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, waxaana laga baqayaa in dagaalo kale ka dhacaan degmada Marko.

Afhayeenka wuxuu sheegay in dagaalka Shalanbood uu ku bilowday si kedis ah, ayna wadaan dadaalo badan oo dagaaladaasi looga hortago.

Shabeelaha Hoose waxaa marar badan ku dagaalamay maleshiyaadka wada dega oo dagaalkooda uu salka ku dhayo dhul.

Xubnaha dowlada Soomaaliya ee kasoo jeeda Deegaanada dagaalada ka dhacayaan iyo maamulka koofur galbeed ayaa waddo dadaalo lagu hakinayo dagaalada sababay dhimashada, dhaawaca iyo barakaca dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Marko
Caasimada@live.com