Fashilka shirka madasha oo gaaray heer caalami

Muqdisho (Caasimada online) – Is qabqabsi iyo isfahan la’aan ayaa waxaa wali laga soo dhex sheegayaa Madaxda DF iyo kuwa Gobolada dalka, kadib markii shirkaasi ay fashiliyeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynaha ugu sareeya dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in Dowladiisu ay ku adag tahay in maamulada dalka ay ku raali galiso ka tanaasulka qorshaha 4.5 ee dhaqanka iyo maslaxada u ah umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in qalad ku yimaada hanaanka doorahso ay saameyn ku yeelan doonto sumcada Dowladiisa waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay maslaxad u aragto in Somalia ay kasii shaqeyso nidaamka 4.5, haddii la waayana ay meesha ka bixi doonto wax wada qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay in DFS ay wax waliba awood u leedahay inay ka tanaasusho, balse ay ku adag tahay inay ka weecato nidaamkii Dowlada lagu amaaneeyay ee ahaa 4.5, taasi oo uu ula jeedo in ka gudubka nidaamkaasi ay sababi karto in Somalia ay dib u milicsato waayihii burburka iyo aaminaansho la’aan ka dhex dhalata beelaha Soomalaiyeed iminka isku fahmay nidaamka kor ku xusan.

Fakirka ka tanaasulka nidaamka 4.5 waxaa qaba madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iyagu aaminsan in Xassan Sheekh uu doonaayo in nidaamkaasi uu mar kale u adeegsado kusoo laabashadiisa kursiga.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa ku dooday in Somalia aysan wali gaarin xiligii ay doorasho ku qaban laheyn nidaam deegaan waxa ayna ku celcelsheen in doorashada dalka aan laga weecin nidaamka 4.5-ka.

Koonfur galbeed iyo Galmudug waxa ay taageersan yihiin in doorashada dalka ay ku dhacdo nidaamka cadaalada ay u fahansan tahay Soomaalida ee ah 4.5, halka madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay ku adeegayaan in nidaamka 4.5 uusan khuseyn islamarkaana aysan aqbali doonin in nidaamkaasi dib loogu soo celsho Somalia.

Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu doonaya in Siyaasada Somalia ay ka faramaroojiyaan Beelaha Hawiye oo inta badan nasiibka u yeeshay in Siyaasada dalka ay kusoo galaan nidaamka 4.5 oo waxbadan ka caawiyay beelaha Hawiye.

Dhanka kale, Khilaafyada iyo is ceyrsiga u dhexeeya madaxda DF iyo kuwa Gobolada dalka ayaa ifafaalo u ah in Somalia aysan wali ka gudbin qabyaalada iyo xil jecleysiga.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com