Xasan Sh. iyo odayaasha Hawiye oo isku dhagan

Muqdisho (Caasimada online) – Wararka laga helaayo aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaasi ay kulamo kala duwan ku qaaten madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Odayaasha Beelaha Hawiye.

Kulanka oo saacadihii ugu danbeeyay siyaabo kala duwan u dhacaayay ayaa waxaa diirada lagu saarayay Khilaafka ka dhex aloolsan madaxda DF iyo kuwa gobolada dalka.

Madaxweyne Xassan oo ka duulaaya khilaafka ayaa Odayaasha u sheegay inay khilaafkaasi uu yahay mid ka dhashay hanaanka Somalia looga dhaqan galin lahaa doorashada, waxa uuna Odayaasha u sheegay in madaxda maamulada dalka ay doonayaan in meesha laga saaro nidaamka 4.5.

Xassan waxa uu sidoo kale Odayaasha u sheegay in DF ay ku adkeysaneyso in xal kale loo raadiyo Aayo ka tashiga Somalia ka hor inta aan xujo laga dhigin ka tanaasulida 4.5.

Xassan ayaa Odayaasha usoo bandhigay sida ay u arkaan in laga gudbo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaamka cusub oo ay wadaan Jubbaland iyo Puntland kaasi oo ah heer deegan.

Odayaasha oo mid mid u dhiibanaayay fakirkooda ayaa qaadacay in DF ay ka weecato nidaamka 4.5, waxa ayna Odayaasha farta ku godeen in xiligaani aysan Somalia ka gudbi karin nidaamkaasi, iyaga oo sabab uga dhigay sida ay beelaha Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin sii wadida nidaamkaasi.

Odayaasha qaar ayaa sheegay in ka gudbida 4.5 ay u baahan tahay wakhti badan, islamarkaana aysan garan karin baahida keentay in Jubbaland iyo Puntland ay xujo ka dhigaan in marka hore laga takhlusiyo nidaamkaasi.

Odayaasha ayaa Xassan Sheekh ku wargaliyay in DFS looga baahan yahay inay qadariso baahiyaha ay Beelaha Soomaaliyeed u qabaan nidaamkaasi, haddii ay Dowladu ka weecatana ay dusha saaran doonto dhibaatooyinka ka dhalankara.

Waxa ay Xassan Sheekh si cad ugu sheegen in nidaamka 4.5 ay Somalia ka shaqeyn jirtay ka hor inta C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe aysan kusoo biirin Siyaasada Somalia, iminkana aysan suuragal noqon doonin in 2 mas’uul ay sabab u noqdaan burbur ku imaada aayaha Beelaha Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh ayay usoo jeediyeen in Dowladiisu aysan ku fududaan go’aanka horyaala madaxda Qaranka, waxa ayna ku taliyeen in wakhtiga ka badan kan hadda la heysto loo helo arrinta la xiriirta ka tanaasulida nidaamkaasi ay cadaalada u arkaan Beelaha Soomaaliyeed.

Geesta kale, Odayaasha ayaa madaxweynaha u sheegay in mas’uuliyada ay isaga u dhiibteen islamarkaana uu shirarka socda ee looga tashanaayo aayaha Somalia uga soo qaado nidaamka u cuntamaayo beelaha Soomaaliyeed ka hor inta uusan qancin C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com