Xog: C/Weli GAAS oo carooday kuna goodiyay…

Muqdisho (Caasimada online) – Iyadoo madaxtooyada Somalia ay ka socdaan shirar looga arrinsanaayo Hiigsiga 2016-ka ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu ku goodiyay inuu dib ugu laaban doono magaalada Garoowe.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu u imaaday in uu natiijo ku aadan qaabka doorashada Somalia uu kala laabto, waxa uuna sheegay in wakhtiga uu ugu soo tallo galay la dhaafay, islamarkaana uusan wali natiijo waafi ah ka gaarin ujeedka socdaalkiisa ee muqdisho.

C/wali Gaas oo saacadihii ugu danbeeyay ka careysnaa qaabka ay DFS u daadihineyso shirka Aayaha ka talinta Somalia ee leysku mari la’ yahay ayaa sheegay in haddii aan la dhowreynin heshiisyadii horay u dhacay uu isaga laabanaayo Garoowe.

Gaas ayaa maalmaha uu iminka joogo magaalada muqdisho muddo 3 mar ku sigtay inuu ka duulo muqdisho, sababo la xiriira carro uu ka qaaday shirka aan laga gaarin mirihii laga dhowr sugaayay ee ahaa in lagu heshiiyo qaabka ay noqon doonto doorashada dalka.

Waxa uu sidoo kale Gaas ku dooday in howlo badan oo maamulkiisa ah ay isku dhex yaacsan yihiin sidaa awgeedna aysan suuragal aheyn inuu kusii nagaado muqdisho, balse waxaa lasoo sheegayaa in joogitaankiisa maalmaha dheeriga ah ay ka dalbadeen wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia.

Wakiilada Beesha Caalmak ka jooga Somalia ayaa iminka ku dhex milmay Madaxda DF iyo kuwa Gobolada dalka si ay xal waara uga gaaran Khilaafyada taagan, inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan hadana waxaa mar waliba suuragal ah in shirarka socda uu hakat ku imaado.

Si dhab ah looma sii saadalinkaro go’aanka kale ee uu gaari doono C/wali Gaas oo ka careysan sii joogitaankiisa Muqdisho.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com