Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa si kulul uga hadlay faragalinta iyo Musuq-maasuqa lagu hayo doorashooyinka ka socda dalka.
Sharmaarke waxa uu sheegay in Doorashooyinka loo maamulo si ka baxsan cadaalada, waxa uuna mas’uuliyada dusha ka saaray Madaxtooyada Somalia.
Doorashooyinka ayuu sheegay in la gacanbidixeeyay waxa uuna carabka ku dhuftay in musharaxiinta qaar loo kala bedelo ergooyinka.
Musuq-maasuqa ayuu sheegay inuu gaaray heerka ugu danbeeyay waxa uuna Mr Sharmaarke walaac ka muujiyay qaabka loogu shuban doono codadka.
Waxyaabaha ka socda goobaha doorashooyinka ayuu sheegay inay yihiin kuwo ay maleegeyso Madaxtooyada Somalia, waxa uuna shaki galiyay in doorashada ay noqon doonto mid u dhacda nidaamka ay cadaaladu ku tiirsan tahay.
Sharmaarke waxa uu eeda ugu badan u jeediyay Madaxweynaha Somalia iyo garabkiisa waxa uuna cadeeyay in musuq-maasuq ba’an uu ka dhex jiro xarumaha dowlada.
Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo maalinimadii shalay Ra’isul wasaaraha dalka uu soo saaray warbixin muujineysa in Hay’adda NISA ay faragalin ku heyso arrimaha doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

