R/W CC oo markii ugu horeysay ka hadlay arrinta Muqdisho ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ka hadlay amni darida kusii xoogeysaneysa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ay kala hadleen xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho, waxa uuna ballanqaaday in gacanta lagu soo dhigi doono kuwa geysta dilalka ka dhaca magaalada.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in kooxahaasi ay taageero aan ku talagal ah ay ka helaan shacabka Soomaaliyeed taas oo keentay in ay sii wadaan kooxahaasi weerarada ka dhanka ah ee shacabka.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ka mas’uul tahay shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay la imaan doonto la xisaabtanka Hay’addaha amniga.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in amniga magaalada ay mas’uuliyad ka saaran tahay cid kasta oo muwaadin ah ka sokow ciidamada amniga u xilsaaran.

Dhanka kale, Shacabka ayuu ka dalbaday inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga si ay u suuragasho in la soo gaba gabeeyo weerarada dadka shacabka ah ay ugeysanayaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com