Jawaari oo soo saaray digniin ku socota dad magaca Soomaaliya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si adag uga hadlay dadka ka shaqeynaaya magacdilka Somalia.

Jawaari waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo ka shaqeeya xumaha iyo in Somalia lasii kala fogeeya waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia aysan kala maarmin isaga oona digniin u diray dadka faraha kula jira arrimahaasi.

Jawaari waxa uu sheegay in iminka uu aad u wanaagsan yahay xaalka dalka waxa uuna is barbar dhig ku sameeyay xiligii dalka uu gacanta ugu jiray gowracatada iyo xiliga hadda lagu jiro.

Jawaari ayaa sheegay in Somalia aysan kala maarmin loona baahan in yahay in qofkasta uu u istaago sidii loo adkeyn lahaa Midowga umadda Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlaaya ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabkaba looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Jawaari ayaa ku baaqay in laga fogaado waxa dhibta u keeni kara jiritaanka Somali-weyn, waxa uuna ka digay in lagu sifoowo xumaha iyo kala geynta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com