“Maalin gudaheed baan ku dhisi karnaa kuwo ka fiican Amisom”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Dowlada Somalia shaacisay inay diyaarineyso ciidamo tayo leh oo bedeli kara kuwa AMISOM, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed.

Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu taabagalinaayo ciidamadii bedeli lahaa kuwa AMISOM, waxa uuna sheegay inaanu jirin caqabad iminka ka hortaagan in booska ay kala wareegan kuwa AMISOM.

Taliyaha oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inay diyaariyeen tiradii ciidan ee loobaahnaa sidoo kalane ay wadaan tirro kordhin si loo helo kuwo keyd ah oo caawinkara kuwa iminka la howlgalin doono oo ay leedahay Dowlada.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay diyaariyeen ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa amaanka dalka, isagoo sidoo kalena sheegay in AMSIOM ay Soomaaliya amaanka dalka wax badan ka qabatay.

Ciidamo ku filan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayuu sheegay inay hayaan kuwaasi oo heysta tababaro ku filan.

Haddalka Taliyaha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda General Katumba Wamala uu sheegay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com