Maxaa ka jira arrintan cusub ee laga sheegayo C/kariin Guuleed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llahi Cumar Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa dhaliil dusha uga tuuray madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

Xildhibaan C/llahi oo u waramaayay Idaacada Goobjoog ayaa sheegay in ay u muuqaneyso in maamulka uu ka gaabinaayo daminta shaqaaqada ka taagan Gobollada Mudug iyo galguduud.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in mas’uuliyiinta ay howshaani khuseyso gacmaha iyo afka ay ka laabtaan waxa uuna ku baaqay in xili hore la damiyo shaqaaqada dhiiga badan uu ku daatay.

Xildhibaan C/llahi waxa uu sheegay in dagaalo beeleedka socda ay lug ku yeelan karaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxa uuna nasiib darro ku sheegay in indhaha laga fiirsado, waxa uuna dhaliisha si gaar ah ugu jeediyay C/kariin Guuleed.

Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayuu sheegay in looga baahan yahay in il gaar ah ay ku fiiriyaan colaadaasi, haddii aysan ku calool fiyoobeena ay u xilsaaran xubno kale wixii intaa ka danbeeyana ay u fahmi doonaan in labadaasi mas’uul ay qeyb ka yihiin dhibta taagan.

Haddalka Xildhibaan C/llahi ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dagaal beeleed dhiigbadan ku daatay uu dhexmaray laba beel oo walaalo halkaasi wada dega.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com