Xog: Beesha caalamka oo xubno ku leh guddiga cusub ee Xasan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo saacado un ka hor Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia dib u magacaabay Guddiga doorashooyinka Qaran ee Somalia ayaa waxaa soo baxaayo in Beesha Caalamka ay guddigaasi ku darsatay xubno iyaga kala shaqeeya siyaasada Somalia.

Guddiga cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Xassan ayaa la xaqiijiyay in Beesha Caalamka ay ku leedahay Afar xubnood kuwaasi oo kamid noqon doona Guddiga diyaarin doona howlaha doorashada.

Xubnaha ay Beesha Caalamka ku leedahay Guddiga ayaa waxaa la sheegay in Madaxweyne Xassan uu horay uga saaray Guddigii hore, balse iminka uu ku khasbanaaday inuu kusoo daro Guddiga cusub.

Xubnahaani ayaa si toos ah Beesha Caalamka ugu gudbin doona siyaasada uu Guddiga ku shaqeyn doono inta lagu gudo jiro doorashada 2016-ka.

Xubnahaani ay Beesha Caalamka ku yeesheen Guddiga ayaa siyaasad ahaan waxaa laga soo kala xulay Beelaha Soomaaliyeed waxa ayna kasoo kala jeedan Gobolo kala duwan, balse waxa ay siyaasad ahaan u janjeeraan Beesha Caalamka, bacdamaa ay ku imaadeen rabitaankooda.

Beesha Caalamka ayaa qorshahaani uga gaashaamaneysa in Musuq-maasuq lagu sameeyo howlaha la xiriira doorashada dalka, waxaana jira warar sheegaya in wali shaki uu ku jiro xubnaha kale ee uu Xassan Sheekh kusoo daray Guddiga kuwaasi oo siyaasad ahaan u dhow Xassan.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dadaal dheer ugu jira sida uu mar kale ku noqon lahaa Madaxweynaha dalka, balse waxaa ku hor gudboon caqabado farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com