Xog cusub: Khilaaf ka dhex curtay Shariif Xassan iyo Odayaasha…

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex curtay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Odayaasha maamulka.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu dhashay kadib markii Shariif Xassan uu Odayaasha ku wargaliyay inaanu aqbali doonin inay soo xulaan shaqsiyaad kasoo horjeeda Siyaasada maamulka.

Shariif Xassan ayaa sidoo kale Odayaasha usoo bandhigay tirro mas’uuliyiin ah oo ay soo xuleen Odayaasha kuwaasi oo uu dalbaday in laga saaro Liiska ay Beelaha qaar usoo diyaariyeen Baarlamaanka Cusub, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan u qalmin inay kamid noqdaan Baarlamanaka cusub.

Odayaasha qaar ayuu uga digay inay ballamo lasoo galaan Siyaasiyiin uu faramuuqay waxa uuna wacad ku maray in Siyaasiyiintaasi ay weyn doonaan kuraastii looga diyaariyay Baarlamaanka.

Muruudi Aw-Maxamed Suleymaan oo kamid ah Odayaasha Baydhabo ayaa sheegay in Shariif Xassan uu doonaayo in Baarlamaanka cusub ay kmaid noqdaan kuwo isaga uu rabo keliya waxa uuna taasi ku sheegay mid aan socon doonin.

Muriidi waxa uu sidoo kale sheegay in Shariif Xassan uu diiday ku dhawaad Afar mas’uul oo ay u diyaariyeen inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub balse uusan garaneynin danta uu ka leeyahay.

Shariif Xassan oo kamid ah Siyaasiyiinta miisaanka ku dhex leh Siyaasada dalka ayaa wax waliba ku saleeya rabitaankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com