DF oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan siyaasada Amisom (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ka shanqarisay mowqifkeeda ku aadan Siyaasada AMISOM, waxa ayna sheegtay inaanu jirin Siyaasad gaar ah oo kala dhexeysa AMISOM.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ah Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in Dowlada Somalia aysan calaaqay Siyaasadeed la laheyn AMISOM, markii laga reebo howlgalada ay u joogan Somalia.

Maraayee waxa uu sheegay in AMISOM aysan wax shaqo ah ku la heyn go’aanada ay gaarto Dowladda Federaalka Somalia, isagoona intaasi raaciyay in AMISOM ay Dowladda ka taageerto keliya sugida amaanka Dalka.

Waxa uu sheegay inaanu jirin sharci dhigaaya in AMISOM ay faragalin ku sameyso siyaasada Somalia, waxa uuna tilmaamay in xiriirka kala dhexeeya AMISOM uu yahay mid ku eg in laga wada shaqeeyo amniga Somalia.

AMISOM, ayuu sheegay in heshiis ay ku joogto Somalia goortii uu heshiiska dhamaadana ay dib uga bixi doonto dalka wixii intaa ka horeeyana aysan faragalin siyaasadeed ku sameyn karin howlaha siyaasadeed ee Somalia.

Haddalka Maareeye ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan shacabka ay ku jahwareersan yihiin shaqooyinka ay AMISOM ka dhex wado Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com