Xamar oo loo dhisayo maamul loo gacan gelinayo beel aan degin

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa Villa Somalia ka socda shirar qarsoodi ah oo looga hadlayo maamul loo sameeyo gobolka Banaadir, waxaase yaab leh qorshaha laga lee yahay maamulkan iyo cidda lagu ralai-gelinayo.

Qorshahan ayaa waxaa wada Madaxweyne Xasan Sheekh waxaana soo qaban-qabaabiyey saaxibadda madaxweynaha ay isku kooxda yihiin waxaana laga leeyahay shan u ujeedo oo qatar ku ah  Soomaaliya :

1) – In lagula dagaalo go’aan kii Madasha ee ahaa in maqamaankii Muqadishu guddi loo saaro.

2) –  iyada oo doorashada mamulka gobolka Banaadir loo dhisayo laga dhigaayo qaabkii lagu soo doortay Shariif Xasan ee ahaa in 300 oo ergo been abuur ah la isugu keeno xarunta gobolka Banadir ka dibna si gacan taag ah ay doortaan madaxweyne maamul goboleed Iyo gole degaan, si loo qaldo shacabka loona duudsiyo dadka dega Banaadir xuquuqdooda.

3 – Madaxweynaha maamulkan ayaa laga dhigi doonaa shaqsi aan u dhalan gobolka Banaadir,  tani Waxaa loogu talagay in la abuuro caadifad qabiil oo lagu kicinaayo beelaha dego Muqadisho. Sidii kale waxaa la doonaynaa in ay horseedo colaad Iyo deganaansho la’aan ka dhacdo magaalada Muqadisho.

4 – Madaxweynaha cusub ayaa waxaa uu noqon doonaa nin ku beel ah Faarax Cabdulqaadir, oo qorshahan soo dejiyey. Maadaama beesha Faarax aysan waxba ka heleyn maamulada hada jira, ayaa lagu qancinayaa mamaulkan cusub. Waxaa qorshaha yahay in dadka Muqdisho loo sheego in maadaama beelo badan isku qabsanayaan hogaanka maamulkan laga dhigo beel ka baxsan.

5 – Iyo in laga hordhaco Hoowsha ay wadaan Gudiga gaarka loogu saaray maqaamka Muqadisho.

Waxaa Kaloo madaxweyne doonaynaa in Marka ay diidaan madaxa Madasha Qaran uu eeda Muqadisho ayaga dusha ka saaro. Waxaa markaasi laga hadalaysiin doonaa odayaasha beesha Hawiye oo iclaamin doono dagaal ama sameeyn doono hanjabaad.

Si arimaha aan kor ku xusan loo hir-geliyo, axaa la soo saaray dekereeto lagu magacaabay 12 qof oo laga dhiganaynayo gabaad Iyo isku qaris.

Fiicilkaan, waxaa uu keeni doonaa is-qabqabsi cusub oo dib u dhac u keeni dooni doorashada lagu wado in ay dhacdo bisha september.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com