Ciidamada Ethiopia oo xasuuq ka geystay Buulo-Beeley maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalada AMISOM, ayaa dad shacab ah ku xasuuqay inta u dhexeysa Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xasuuqa ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaanka Buulo-Beeleey oo kala qeybsha labada Gobol halkaasi oo xiliga xasuuqa dhacaayay ay ciidamada kawadeen howlgal.

Dadka ay ciidamada Ethiopia xasuuqeen ayaa isugu jiray Haween, Carruur iyo dad waayeelo ah, kuwaasi oo lagu furay rasaas aan loo meel dayin.

Dadka la xasuuqay ayaa tirro ahaan u dhexeeya 4 ilaa 6 waxaana dhamaantooda la sheegay inay ahaayen dad shacab ah oo kamadax banaanaa dhinacyada iska soo horjeeda.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamada ay ka shakiyeen dadkaasi shacabka ahaa, iyaga oo xasuuqa kadib halkaasi isaga dhaqaajiyay.

Ciidamada ethiopia ayaa inta badan Gobolada ay dalka kaga sugan yihiin ka geysta falal argagax galsha dadka shacabka ah.

Ma jirto wax war ah oo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay ka soo saareen dhibaatada Ciidamadaasi ay u geysteen dadkaasi rayidka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com