26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

R/W CCC oo ka hadlay dacwadii laga gudbiyey.!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dacwad ka taalla Maxkamada sare ee dalka, taasi oo dhawaan laga gudbiyay.

Ra’isul wasaare Cumar oo Dacwadiisa ka hadlaayay ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan garaneynin waxa lagu dacweeyay, balse waxa uu tilmaamay in diyaar uu u yahay inuu ajiibo goorta ay Maxkamadu ka codsato inuu hortago.

Sharmaarke waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsanaa in Dacwada noocaasi ah ay mudneyd in loo gudbiyo Baarlamaanka, islamarkaana uu Baarlamaanka si sahlan ku weydiisan lahaa Xukuumada si loo maro wadada saxda ah.

Nuqul kamid ah haddalka Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxaa kamid ahaa “Dacwad arrin Siyaasadeed hadii la yiraahdo Maxkamad ha la isku geeyo waxa ay ila tahay arrintaasi inay tahay arrin Khaldan wixii siyaasad ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa wakiil ka ah waxay aheyd dadkaasi dacwada iga gudbiyay hadii runtii tahay arrin Siyaasadeed in la geeyo Baarlamaanka, Baarlamaankana uu anaga na warsado uu dhaho Xukuumadda arintii keena marka in Maxkamada sare in la geeyo Xoogaa waxa ay aheyd arin dheeri ah.”

Sharmaarke waxa uu sidoo kale, sheegay in Xukuumada Somalia ay wado qorsho ay marka hore ku baareyso aasaaska Xisbiyada Siyaasada, waxa uuna tilmaamay in khalad ay tahay in Xisbi Siyaasadeed lagu ekeysiiyo magaalada Muqdisho, hayeeshee taasi ay caqabad ku noqoneyso Siyaasada dalka.

Isaga oo mar kale ka hadlaayay arrinta Axsaabta ayuu yiri “Axsaabta ma’ahan wax aniga iyo adiga iyo Gole Wasiire ay ka talinayaan waa in Soomaali oo dhan baa loo bandhigayaa talo ayaan gelinay oo Bishii November soo gaba gaboowday, Xisbiyada Magaalada Xamar kaliya uma sameynayno dalka oo dhan ayaan u sameynaynaa, Qof hada dhihi karo Axsaab ayaan matalayaa majirto sababtoo ah Sharcigii Axsaabta maba jiro”

Si kastaba ha ahaate, haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor Hogaamiyayaasha Xisbiyada dalka ay Dacwad ka dhan ah Cumar C/rashiid u gudbiyeen Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News