Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.
Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa lagu wadaa in madaxtooyada maamulkaasi uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha maamulka, isaga oo kala hadli doono arrimaha la xiriira 4.5 oo Puntland ay wali ka caga jiideyso.
Sharmaarke ayaa waxaa socdaalka ku wehlin doono Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowlada, waxa ayna booqashadooda xooga ku saari doonaan sidii Puntland loogu qancin lahaa aqbalida nidaamka 4.5.
Qorshaha ayaa ahaa in Madaxweyne Xassan uu gaaro magaalada Garoowe, balse Safarka Xassan uu noqday mid uu Ra’isul wasaare Cumar ku gaari doono deegaanadaasi.
Dowlada Federaalka Somalia ayaa weli dadaal xoogan ugu jirta sida ay ku qancin lahayd Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar ra’iisul wasaare ka soo noqday Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

