R/W CCC oo SHIRKA Cadaado ka saaray mid ka mid ah beelaha isaga oo fulinaya danta Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka ximan iyo xeeb ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu shirka ka socda Cadaado ka saaray Beesha Leelkase.

Nabadoon Axmed Deeq oo kamid ah Xubnaha Beesha Leelkase uga qeybgalaayay shirka Cadaado ayaa sheegay in kulan ay la qaaten Ra’isul wasaare Cumar lagu wargeliyay in Deegaanada ay ka yimaadeen aysan kamid ahayn Maamulka la dhisayo.

Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha ay ugu tageen rajo galin, balse uu uga baaqay inay faarujiyaan Hoolka shirka islamarkaana ay dib ugu laabtaan Deegaanada ay ka imaaden.

Nabadoonka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaan la kulanay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, wuxuuna nagu yiri dib ugu laabta Deegaanadii aad ka timaadeen, waayo Shirka Cadaado waxaa lagu dhisayaa Maamul Goboleed ka kooban Koonfurta Mudug & Gobolka Galgaduud,”

Nabadoon Axmed Deeq, ayaa tilmaamay in Hadalkaasi aysan ku qanci doonin inta uu Ra’iisul Wasaaraha ka cadeynayo Warbaahinta in Shirka Cadaado lagu dhisayo Mamaul ka kooban Gobol iyo Bar, oo aan ku jirin waqooyiga Mudug”

Ugu dambeyntii Nabadoon Axmed Deeq, ayaa tilmaamay in DF Somalia ay si cad oo ku talo gal ah wakhtiga uga lumisay Beesha leelksae.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com