Wiil SOOMAALI ah oo markii ugu horreysay isku qarxiyay xarun ciidan oo ku taalla dalka CIRAAQ

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa sheegtay in Muwaadin Soomaali ka barbar dagaalamaayay Maleeshiyaadka Daacish ee kasoo horjeeda jiritaanka Dowlada Ciraaq uu weerar ismiidaamin ah ka fuliyay Saldhig Ciidan oo ku yaala Magaalada Baqdaad.

Wargeysyada dalkaasi oo xiganaysa Saraakiisha Amaanka ayaa qoray in Muwaadinkaasi Soomaaliyeed mudooyinkaani dambe uu kamid ahaa dhalinyarada loo diyaarinaayay Ismiidaaminta oo tababaro loogu soo xiray Duleedka Magaalada Baqdaad.

Magaca ruuxaani naftiis huraha ah ayaa waxaa lagu soo koobay Abu Zeyd, ayaa waxaa sanajirkiisa lagu sheegay inta u dhexeysa 25 ilaa 30 jir.

Abu Zeyd ayaa la sheegay in xiliga uu weerarkaasi ismiidaaminta ah fulinaayay uu waday gaari Taangi ah waxa uuna la galay Saldhig Ciidan oo ku yaala Baqdaad.

Sidoo kale Bayaan ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in naftiis hurahaasi uu kasoo jeeday dalka Somalia, islamarkaana qorshihii laga damacsanaa weerarka uu u fuliyay sidii loogu tala galay.

Dhacdadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Muwaadin Soomaaliyeed uu ku dhinto Dagaalada Kooxda Daacish ay ka wado Suuriya iyo Ciraaq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com