Muxuu salka ku hayaa safarka Axmed MADOOBE uu ku gaaray magaalada NAIROBI (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno dhanka Maamulka KMG Jubba ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulkaasi uu Hogaanka sare ee Dowlada Kenya kala hadlaayo arrimo muhiim lagu sheegay.

Ilo xogogaal ka tirsan Maamulka ayaa sheegay in Safarka Axmed Madoobe uu muddo laba cisho ah ku joogo Magaalada Nairobi uu ku qotomo laba arrin oo midkood uu xiligaani taagan yahay.

Safarkan ayaa lagu sheegay in uu ahaa laba waji mid uu u yimid Madoobe arrimo qoys iyo arrin ahayd kala tashiga dowladda Kenya arrinta ka taagan Beladxaawo.

Axmed Madoobe ayaa mudada uu joogo Kenya la kulmay madax ka tirsan dowladda Kenya oo u badan wasiiro ay Khuseyso arrimaha xuduuda Kenya waxaana ay ka wada hadleen sida ayadoo amaanka la sugayo aan dadka deeganka dhibaato loo gaarsiin lahayn.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka soo jeeda Beladxawo ay cadaadis ku saareen Axmed Madoobe in uu dowladda Kenya kala hadlo waxa ay ka damacsantahay dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee ku nool xadka labada dal.

Dhawaan wax garad iyo salaadiin ka soo jeeda Beladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay si amartaagleen ah u dumisay dhul Soomaali leedahay oo ku yaal xadka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com