Kashifaad: Jawaari oo degay xeelad yaab leh si uu u fashiliyo cod u qaadista mooshinka JUBBA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli la isku mari la’ yahay mooshinka laga keenay maamulka Jubba ee ku saabsan dhismaha Baarlamaanka KMG ah ee Jubba, kadib markii shalay markii labaad uu mooshinkaasi loo qaadi waayay codkii loo balansanaa iyadoo la waayay kooram uu shirku ku ansixi karo, waxaana shirka fadhiyay 80 xildhibaan oo qura markii la tiriyay tirada xarunta fadhiday.

Mooshinkan oo muran weyn ka dhex dhaliyay maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Federaalka ayay soo dhex gashay xukuumadda Soomaaliya oo baarlamaanka ka codsatay in la siiyo waqti laba toddobaad ah si ay arrinta xal ugu raadiyaan, laakiin xildhibaanada ayaa diiday codsigaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo markii hore taageersanaa mooshinka ayaa hadda u muuqda inuu dadaal weyn ugu jiro inaan cod loo qaadin mooshinkaasi, wuxuuna dhigay qorshe lagu dhimayo tirada xildhibaanada jooga Muqdisho si aysan suuragal u noqon in la helo kooramka xildhibaano buuxin kara.

In ku dhow 40 xildhibaan ayuu guddoomiye Jawaari u diray seminaaro ka dhacaya dalalka Kenya iyo Uganda, waxaana weli socda bixitaanka xildhibaanno kale oo dibadda aadaya iyadoo qaar kale oo xildhibaanada ka mida ay Degmada Cadaado u joogaan arrimaha shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen inay yaraadaan tirada xildhibaannada ku sugan Muqdisho, sidoo kale wasiirada xildhibaanada ah ayaa iyaguna lagu wargeliyay inaysan tegin shirarka Baarlamaanka, iyadoo madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoonka Baarlamaanka ay ka mideysan yihiin in mooshinka la joojiyo ama ugu yaraan dib loo dhigo.

Lama oga ilaa inta cod u qaadista mooshinka Jubba u sii hakan doono cod u qaadista u harsan, waxaana jirta inaysan jirin qaab sharci ah oo looga noqdo oon ka ahayn in cod loo qaado haddii aysan ka noqon xildhibaanadii keenay oo u muuqda inaan lagu qancin karin wax aan ahayn codeyn.

Isha goobjooge