Abanduulaha ciidanka xooga oo dil ka baxsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka, General C/risaaq Khaliif Cilmi, ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka badbaaday isku day dil, xilli wadada loo galay kolonyo uu la socday.

Weerarkan, ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Muuri waxay ku taallaa inta u dhaxeyso Degmada Afgooye iyo deegaanka Nambar Konton (50km).

Kolonyada Abaan Duuliyaha, ayaa waxaa wadada u galay tiro ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka, kuwaa oo aan la garanayn waxa ay u weerareen kolonyadii uu la socday. Kolonyada waxay ka timid dhinaca deegaanka Toora Toorow, xilligii la weerarayay.

Iska horimaad xoogan, ayaa labada dhinac ku dhex maray deegaankaasi Muuri, waxayna taasi qalqal ku keentay bulshada ku dhaqan deegaankaasi. Dadka deegaanka waxay qaarkood ka carareen goobihii leesku fara saaray.

Abaan Duulaha oo ka badbaaday weerarkaasi, ayaa waxaa dhanka kale lagu dilay gaandharigiisii gaarka ahaa, sidoo kalana waxaa lagu dhaawacay ugu yaraan saddex ka mid ihi askarta ilaaladiisa. Dhaawacyada askarta waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya ujeedada ay Ciidamada Militariga u weerareen Abaan Duulaha, balse wararka ugu xoogan waxay sheegayan in askartu ka gadoodsan tahay mushaaraad la’aan.

Kolka bishan lagu daro, ayaa waxay noqonaysaa lix bilood oo xiriir, oo aynaan wax mushaaraad ihi helin Ciidanka Militariga Somaliya, iyadoo qoysas ay la xiriiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com