Dhageyso: DF Soomaaliya oo weecisay qorshihii dhismaha maamulka gobollada dhexe ee shirka

Cadaado (Caasimada Online)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa wafdigii Cumar C.rashiid ee tagay Cadaado ayaa dhaliilay qaabka loo wajahay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji Xasan oo la hadlay xafiiska Caasimada Online ee Galgaduud ayaa dhaliilay hogaanka wasaarada arimaha gudaha iyo xubnaha kale ee Df kaga sugan Cadaado.

Wuxuu aad uga soo horjeestay qaabka loo qeybsaday ergooyinka soo xulayo baarlamaanka maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in beelaha qaar oo ku awood badan gobolada dhexe lagu qadiyay ergooyinka iyo xildhibaanada lasoo xulayo, halka beelaha qaar loo badiyay ergooyinka iyo xildhibaanada.

Hoos ka dhageyso wareysiga dhameystiran ee Xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com