R/W CC oo magacaabay guddi cusub oo la yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa mar kale ka hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.

Cumar C/rashiid oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dowlada Somalia ay sameysay Guddi uu sheegay in loogu magacdaray ”Guddiga Qilaafaadka” oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka.

Sharmaarke waxa uu sheegay in ujeedka loo aasaasay Guddiga uu yahay inay go’aan ka gaaran haddii ay dhacdo khilaaf ka dhashay doorashooyinka.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Guddigaasi ay goobjoog ka noqon doonaan meel waliba oo ay ka dhaceyso doorashada waxa uuna tilmaamay inay leeyihiin awood ballaaran.

”Guddiga Qilaafaadka ee aan sameynay waxaan ugu tallo galnay inay dhex dhexaad ka noqdaan doorashada waxa ay leeyihiin awood aan faragalin lagu sameyn doonin”

”Waxa ay xalinayaan haddii uu khilaaf iyo shaki ka dhasho doorashada, haddii ay dhacdo cabasho in lagu kala roonaaday codka waxa ay awood u leeyihiin inay hakiyaan doorashada”

”Guddiganai doorashada kadib waxa ay heystaan muddo hal weeg ah oo lasiin doono doorashada kadib, waxa ay mudadaasi kusoo gaari doonaan go’aan la xiriira run ahaanshiyaha codadka lagu kala batay iyo inay jiraan cabashooyin waxaana socon doona amarkooda”

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha waxa uu intaa ku daray in u jeedka ugu weyn ee loo magacaabay Guddigan in uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Qilaaf dhaca xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka Dalka ka dhacaya gaar ahaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Dhinaca kale, Guddigaani ayaa la sheegay inay u badan yihiin xubno uu Madaxweyne Xassan Sheekh rabitaankiisa ku keenay mana jirto xubno soo xulay Guddigaani qilaafaadka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com