Sawirro: William Ruto iyo qareenka Kenya oo ku heshiinaya xatooyada Badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Samoi Ruto ayaa kulankaani la qaatay Kariim Khaan oo kamid ah Qareenada Kenya u matalaaya dhageysiga Dacwada Muranka Badda Somalia iyo Kenya.

Kulanka William Samoi Ruto iyo Qareen Kariim Khaan ayaa ka dhacay magaalada Nairobi maalmo un ka hor inta aanu furmin Dacwada Badda ee labada dal u dhexeysa.

William Samoi Ruto iyo Kariim Khaan waxyaabaha ay ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa in la baabi’iyo dhammaan qodobada Heshiiskii hore ee garabka u noqonkara dowlada Somalia, sida ay qoreen warbaahinta Mucaaradka Kenya.

William Samoi Ruto iyo Kariim Khaan waxa ay isla qeexen in la cuuryaamiyo Qareenada Somalia u mataleysa Dhageysiga Dacwada si aanu ula jaanqaaden Saraakiisha dacwada qaadeysa ee Maxkamada.

Kulanka William Samoi Ruto iyo Kariim Khaan oo ahaa mid ay wada qaaten laba maalin un ka hor xiliga ay furmeysay dacawad ayaa waxaa lagu go’aamiyay in loo dhabagalo wax waliba oo suuragalinkara in Kenya ay u xalaalowdo dacwada.

William Samoi Ruto waxa uu Mr Kariim Khaan u ballanqaaday inay gudoonsiin doonaan adduun lacageed oo u noqon doonta abaalmarin, waa haddii uu guul ka gaaro dacwada.

Kariim Khaan waxa uu kamid ahaa Qareenadii u doodeysay Uhurro Kenyatta iyo William Samoi Ruto oo lagu eedeeyay inay galeen danbiyo xasuuq ka dhan ah shacabka Kenya.

Uhurro Kenyatta iyo William Samoi Ruto waxa ay sidoo kale Qareen Kariim Khaan si wada jir ah ugu ballanqaaden abaalmarino kale oo uu muteysan doono goortii uu kasoo jeesto dacwada Badda ee muranka badan dhalisay.
k-1

k-2

k-3

k-4

k-5

k-6

k-7

k-8

k-9

k-10