Wararkii ugu danbeeyay dhageysiga dacwada badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli Maxkamadda Cadaaladda ICJ ee Magaalada Huage ee Dalka Holland ka socda Dhageysiga Muranka Badda ee u dhexeeya wadamada Somalia iyo Kenya.

Dhageysiga dacwada oo maalintii shalay laga nastay ayaa waxaa maanta oo Jimco ah mar kale jeedin doona Qareenada Somalia u mataleysa dacwada.

Qareenada Somalia u mataleysa dacwada ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay soo xiraan dhageysiga, waxa ayna dacwada ku ektahay maanta oo Jimca ah.

Dowlada Kenya oo iyadu faraqa la heysto ayaa waxa ay is hortaagtay oo ay wali ku doodeysaa in Dacwadda aysan qaadin Maxkamadda Cadaaladda ICJ, taas badalkeedana ay arrintaan kawada hadlaan Somalia iyo Kenya.

Qareenada Kenya u mataleysa Dacwada ayaa isku dayaaya maanta inay dhexgal ku sameeyan Qareenada garabka u ah Somalia iyo Wafdiga dowlada ee goobjooga ka ah dhageysiga Kiiska Dacwada, waxaana la sheegayaa in Qareenada Kenya ay doonayaan inay hakiyaan dacwada.

Sidoo kale, dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay abaabulayaan in ay ku dibad baxaan afaafka hore ee Maxkamada si tanaasul aan loogu samayn badda Somalia.

Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay shaaca ka qaaday inaanu la sameyn doonin wax tanaasul ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com