Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay Heshiiskii laga gaaray shirkii Madasha Hoggaanka Qaran ee Somalia oo muddo Sedex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.
Ra’isul wasaare Cumar, ayaa sheegay in Dowlada Somalia ujeedkeeda uu yahay in la helo Siyaasad mideysan oo wax muuqda ka bedeli karta muuqaalka dalka, waxa uuna tilmaamay in Heshiiskii kasoo baxay shirka Madasha uu waxbadan ka bedeli doono Siyaasada dalka.
Sharmaarke waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho xalaal ah, waxa uuna meesha ka saaray in qorshaha Dowlada uu yahay dib-u-dhac ku imaada doorashada.
Waxa uu soo hadal qaaday Safarka Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna tilmaamay in Muqdisho ay kala tagi doonaan go’aan cad oo ay raali ku yihiin, isaga oo carab dhabay in Xukuumadu ay ka mirro dhalisay juhdigii ay galisay shirarkii is xigxigay ee bilihii ugu danbeeyay ka dhacaayay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.
Sharmaarke waxa uu sidoo kale, rajo wanaagsan ka muujiyay qaababka ay Dowlada Federaalka u qaban doonto Doorashada dalka, waxa uuna tibaaxay in Doorashada ay noqon doonto mid ay kuwada riyaaqi doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed.
Geesta kale, dhinacyada uu khuseeyay shirka Madasha Hoggaanka Qaran ee Somalia ayuu ugu baaqay inaysan dayicin axdiga Heshiiska oo ay ka mirro dhaliyaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]