Afgambi lagu sammeeyey magaalada Muqdisho

Iyadoo Madaxda Dowladda Somaliya & Maamul Goboleedyada qodobo ka soo saareen shirkii saddexda maalmood kaga soconaayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay duudsiiyeen xuquuqda dadka ku nool Caasimadda Somaliya.

Madaxda Dowladda & Maamul Goboleedyadu waxay kala qaybsadeen Xubnaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya, oo ay isu waafaqeen in heer gobol lagu soo xulo. Goboladaasi kama mid ahan Gobolka Banaadir.

Dadka degan Magaalada Muqdisho waxaa heshiiskan ku cad inaanay xubno ku yeelan doonin Aqalka Sare Baarlamaanka. Heshiiskani waxaa la dhihi karaa waa Dastuur cusub oo la doonaayo Federaalka iyo inta uu dhalay in ummada lagu dulhaayo.

Waxaa xusid mudan inay jiraan beelo degan Gobolka Banaadir oo aan xuquuq kale ku lahayn meel aan ahayn Muqdisho, waxaase wax laga xumaado ah in dadkaasi laga soo qaado kuwo aan lamid ahayn dadka kale ee Somaliyeed.

Madaxda Somalida, ayaa waxaa kaloo la dhihi karaa heshiiska ay ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdisho, wax wada tashi ihi kalama yeelan qaybaha bulshada, sida Madax Dhaqameedyada, waxaana weeye afgembi cadoo ay ku sameeyeen xuquuqdii Magaalada Muqdisho.

Ururada Bulshada Rayidka oo markii hore loo ogolaa inay ka qaybgalaan shirarka ku aadan Madasha Wadatashiga Qaran, oo sida la sheegay lagu go’aaminaayay doorashooyinka sanadkan dalka ka dhacaaya, ayaa kiisii ugu dambeeyay ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho laga saaray, waana mid qayb ka ah xagaldaacinta maqaamka Muqdisho.

 Dadka qaarkii, ayaa wax layaab leh u arka in la xaqiro mudnaantii ay laheyd Magaalada Muqdisho. Reer Muqdisho waxay qabaan in Muqdisho ay tahay bartii kulmineysaybulshada Somaliyeed, isla-markaana mideynaysay, sidaasi daraadeedna aan marnaba la dafiri karin miisaanka ay leedahay.

Maxaa dadka reer Muqdisho kacdoon u diidan?

Waxaa ka hortaagan inay kacdoon sameeyaanqaybsanaanta qabaliga ah ee dalka wiiqay, waana midda u sababta ah inaanay ka hadli karin maslaxadoodii oo lagu tumanaayo, qabyaalad awgeed.

Wax sharci ah maaha in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aan ka gaari karo xuquuqda saddexda milyan ee degan Magaalada Muqdisho. Xaq uma laha inuu saxiixo inaanay reer Muqdisho wax xuquuq ihi ku yeelan Aqalka Sare. Go’aanka ceynkaasi ahna waa midka ay kacdoonada ka sameeyaan dadku.

Waa wax uu qof kastaahi dhihi karo waa dulmi in halka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee Somaliyeed la dhaho cod kuma yeelanaayo Aqalka Sare Baarlamaanka, halka goboladii kale ay cod ku leeyihiin.

Taariikhda, ayaa waxay xusi doontaa Madaxda xilligan hogaanka u haysa dalka, iyagoo iska indho saabay xuquuqdii dadka saddexda milyan gaaraaya ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.