CC oo sheegay hadal ka yaabiyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay socdaalka madaxweynayaasha Gobolada dalka ay ku joogan magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in lagu jiro xiligii Somalia ay kasii baxeysay colaadaha iyo Siyaasadaha qalafsan ee hareereeyay dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Gobolada dalka ay muqdisho kala laaban doonaan qorshooyin ka farxin doono shacabka ku hoos nool maamulada waxa uuna tilmaamay in socdaalka madaxdaasi uu ifafaalo u noqon doono dhalashada sanad cusub iyo bilaabida Siyaasad cusub oo ka dhex curata DF iyo maamul Goboleedyada dalka.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xassan uu faraqa ugu shubay natiijadii kasoo baxday heshiisiintii colaada Gaalkacyo sidoo kale Xassan looga baahan yahay in Siyaasad ka duwan Siyaasadihii hore uu ka dhex abuuro maamulada dalka.

”Aniga goortii aan ku sugnaa Gaalkacyo waxaan ahaa mas’uulka saxda ah ee looga fadhiyay xalinta colaada. hadda waxaa jooga madaxweynihii dalka isaga ayaan tookadiisa u xil saarnay in Madaxweynayaasha Gobolada uu muqdisho ka diro iyaga oo faraxsan”

”Xassan Sheekh waxa uu awood u leeyahay inuu fuliyo inta aan fuliyay kabadan waxaan u rajeynayaa inuu madaxdaasi la wadaagi doono arrimaha taagan”

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu cadeeyay in mudadii ay ku sugnaayen Gaalkacyo ay la kulmeen arrimo kala duwan balse iminka ay ku faraxsan yihiin wax waliba oo ay la kulmeen.

Dhanka kale, Ra’isul wasaare Cumar ayaa carab dhabay in Dowladiisu ay waxbadan ka bedeli doonto cabashooyinka maamulada dalka, waxa uuna ballanqaaday inuu la imaan doono Siyaasad cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com