Xasan Sheikh oo qiray tuhunkii beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa ka hadlay Tuhuno ay dhowr jeer Beesha caalamka usoo jeedisay DFS.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in waxbadan ay ka jiraan wararka la xiriira Musuq-maasuqa ay Beesha caalamka u jeediyeen Somalia.

Waxa uu Madaxweynuhu qiray in Somalia ay tahay dalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka, waxa uuna taasi u sababeeyay itaal darida DF iyo Hay’adaha Dowlada oo aan jirin cid si gaar ah ula xisaabtanta.

Xassan Sheekh ayaa sheegay in Musuq-maasuqa ka jira Somalia uusan ahayn mid kaliya lagu Macneyn karo lacago la kala dhaco iyo wax is daba marin balse sharciga oo laga tallaabo in ay ka mid tahay Musuq-maasuqa sida uu haddalka u dhigay.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay in Somalia ay safafka hore kaga jirto Dowladaha mar waliba lagu tuhmo Musuqa balse DFS aysan ka daali doonin la dagaalanka Musuqa.

Beesha caalamka ayaa dhowr jeer soo saartay warbixino la xiriira heerka ay Somalia ka gaarsiisan tahay Musuq-maasuqa, waxa ayna musuqaasi badankiisa dusha u saartay DF.
Geesta kale, Somalia ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu horeeyo Musuq-maasuqa iyadoona warbixinno caalami ah oo horay u soo baxay ay ka soo muuqatay Safka hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com