Hoteelada Kenya oo laga qaxayo iyo dilal socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in mid kamid ah Hoteelada halkaasi ku yaalla lagu arkay Meydka Gabar da’yar.

Meydka gabadhaasi ayaa waxaa lagu arkay astaamo muujinaaya in lagu dilay Ceeji, waxaana Meydka Ciidamada iyo maamulka Hoteelka ku wargalisay Haweeney la sheegay inay kamid aheyd dumarka nadaafada u qaabilsan Hoteelka.

Saraakiisha Ciidamada Booliska oo halkaasi gaaray dilka kadib ayaa sheegay in Meydka Gabadhaasi ay ku arkeen dhaawacyo kaga yaalla luqunta iyo qeybta hoose ee jirkeeda, waxa ayna dhaawacaasi ku sifeeyen Kufsi loo geystay ka hor inta aan lagu dilin ceejida.

Ciidamada oo bilaabay baaritaano lagu raadinaayo cidii ka danbeysay falkaasi ayaa sheegay in Gabadha la dilay ay 20 jir tahay.

Ireri Kamwende oo ah Taliyaha ciidamada Dambi Baarista CID-da Nairobi ayaa sheegay in dilka Gabadhaasi ay u qabteen dhowr qof islamarkaana uu iminka socdo baaritaano lagu xaqiijinaayo cida ka danbeysay dilkeeda.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lasoo warinayaa in qolka uu la degnaa nin magaciisa lagu sheegay John, kaasi oo aan ilaa iyo hada heybtiisa la aqoonin.

Dhanka kale, Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen in Maamulka Hotelka ay ku soo rogayaan Dacwad ku saabsan inaysan macluumaad buuxa ka qorin dadka Hoteelka ay ka kireynayaan.

Dhacdadaani ayaa waxa ay sababtay in Dumarka qaarkood ay ka guuraan Hoteelka iyaga oo ay lasoo daristay cabsi, waxa ayna tani sababtay walaac lasoo darisay maamulada Hoteelada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com