Shariif Xasan oo badinaya tirada xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka koofur galbeed ayaa la kordhinayaa kadib markii ay soo bateen cabashooyin badan oo kasoo yeeray qaar kamid ah waxgaradka iyo beelaha daga deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo.

Maxamed Xasan Fiqi, wasiirka beeraha iyo waraabka maamulka koofur galbeed oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda ay soo dhameystireen dhismaha maamulka oo ay ka dhinaayeen kaliya oo xulista xubnaha baaelamaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in dastuurka maamulkooda uu dhigayo in xildhibaanada ay noqdaan kaliya 95 xildhibaan laakiin kordhin lagu sameyn doono tirada xildhibaanada lana gaarsiin doono ku dhawaad 105 xildhibaan sida uu sheegay.

Sababta loo kordhinayo xildhibaanada ayuu ku sheegay iney tahay in door laga siiyo haweenka oo ku yar xildhibaanada maamulkaasi, sida uu sheegay, laakiin xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in lagu qancinayo beelaha daga Bakool oo maamulka wax ka tabanaya.

“Xildhibaanada sida dastuurka ku qoron waxaa la doonayaa in la gaarsiiyo 95 laakiin waxaa la filayaa in halahaasi laga badiyo si haweenka doorkooda loo siiyo oo waxaa la gaarsiinayaa 105 mudane”ayuu yiri Maxamed fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com