Beyle oo fikir cusub ku biiriyey hannaanka 2016!

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shir looga hadlayo nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya ayaa waxaa fikradiisa ka dhiibtay doorasho ka dhacdo dalka wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya.

C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirkii arimaha dibada oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa soo dhaweeyay marka hore shirarka dowlada Soomaaliya ku qabatay magaalooyinka caasimadaha u ah maamul goboleedyada.

Wasiirkii hore ee dibada Soomaaliya wuxuu sheegay in wax wanaagsan ay ahaayeen shirarkii Muqdisho iyo gobolada dalka ka dhacay, Balse uu iaga ka duwan yaay fikradaha laga soo ururiyay dadka ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu soo jeediyay iney Haboonaan laheyd in kumanaan dadweyne ah meel la isugu keeno gaar ahaan deegaanada nabdoon ayna sameyaan doorasho qof iyo cod laga matal karo, taasi oo waddo cusub u furi karta horumarka dalka Soomaaliya.

“Waxaan qabaa fikrad ka duwan middii lasoo jeediyay oo waxaan leeyahay waxaa habooneyd in dad badan meel la isugu keeno oo doorasho matali karta qof iyo codkii ay sameeyaan, laakiin hadda howlaha socda waa wax wanaagsan”ayuu yiri wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya.

Dhanka kale Beyle, ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dadaalkii ay bixisay dowlada Soomaaliya oo uu seegay inuu ahaa wax wanaagsan oo waliba uu ku farxayo muwaadin walba oo Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug iney xoojiyaan dhaqan gelinkii hishiiskii lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com