XOG: Soomaalida South Africa oo iska iibineysa hubka iyo tooreeyada u sharciyeysan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Johanesburg ee dalka Koonfurta Afrika, ayaa sheegaya in Maxkamada magaaladaasi ay xakun adag ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yoonis Yuusuf Maxamed.

Muwaadinkaani ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu khaarijiyay muwaadin kale oo u dhashay Somalia kadib markii uu dhexmaray muran ganacsi waxa uuna sidaa ku muteystay xabsi 50-sanno ah.

Muwaadinkanai ayaa dilay muwaadin kale oo lagu magacaabi jiray Ilyaas Maxamed C/maalik, waxa uuna dilkaasi ka dhacay deegaanka Mayfair.

Muranka dilka sababay ayaa markiisii hore ka bilowday goob lagu cayaaro Bilyaardiga waxa uuna markii danbe muranka lugta la galay ilaa heer ganacsi oo soo dadajiyay geerida Ilyaas Maxamed.

Dilka iyo xukunka ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka Booliska Xoli Mbele oo sheegay in Muwaadinka la xukumay oo qirtay dilka Muwaadinkaasi kale ee Soomaaliga ah.

Xoli Mbele waxa uu xaqiijiyay in marxuumka la dilay uu ahaa shaqaale ka hoos shaqeeya rug ganacsi, goortii ay dib u raaceen sababta dilkiisa ay soo baxday in lagu heystay is qabqabsi hore.

Xoli Mbele waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Bistooladda uu gacan ku dhiiglaha dilka ku geystay, taasi oo laga soo xaday Deegaanka Edenvale bishii November 10-kii ee sannadkii hore.

Dhanka kale, Xukunka Mudaaninkaasi lagu xakumay 50-sanno ayaa waxa ay cabsi iyo walaac galisay Soomaalida dalkaasi ku nool oo iyagu markii hore ahaa kuwo ku nool cabsi.

Qaar kamid ah Ganacsatada heysata Bastooladaha sharciyeysan iyo Tooreeyada ayaa la soo warinayaa in iminka ay suuqyada u iibgeynayaan sababo la xiriira cabsida ay ka qaaden xukunkaasi oo iyagana saameyn doona haddii ay dil geystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com