29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

R/W Sharmaarke oo waqti dheeraad ah ka codsaday guddoonka baarlamanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa waqti dheeraad ah ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka si uu usoo dhameystiro xukuumadiisa oo hadda ay magacaaban yihiin 20 wasiir oo kaliya, una diyaariyo qorshihii uu horkeeni lahaa Baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha oo ay is-arkeen GuddoomIyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, ayaa waxa uusi rasmi ah uga codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah ilaa khamiista danbe 5-da February.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa u sheegay in codsigaas aanu shaqeyn karin mar haddii Baarlamaanku u codeeyay in Sabtida 31-ka Janaayo codka kalsoonida loo qaado xukuumada cusub. Waxayna Ra’iisal wasaaraha kula taliyeen inuu isaga laf ahaantiisa tago baaralmaanka oo codsigiisa u jeediyo.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ku biiray xildhibaano badan oo ka socday kutlooyinka isbaheystay waxayna dood dheer oo siyaasadeed kadib lagu guuleysan waayay in wax go’aan ah laga siiyo Ra’iisal wasaaraha codsigiisa.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News