Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Howlaha Guud ayaa maanta la hadlay Shabakada wararka ee caasimada.net wuxuuna soo hadal qaaday xaalada siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo.
Xildhibaan Shuuriye wuxu ugu horeyn walaac ka muujiyay habka loo maray dhismaha Wasiirada cusub isagoona tilmaamay inaanu Ra’iisulwasaaruhu la imaan wada tashigii loo baahnaa.
“waxaan is leeyahay waxaa loo baahan yahay wadahadal cusub oo lagu xaliyo dhibaatada siyaasadeed ee taagan”ayuu yiri Xildhibaan Shuuriye
Xildhibaanka wuxuu hoosta ka xariiqay inay nasiib daro tahay in Madaxweyne Xasan oo markii horaba ay doorteen Xildhibaanada in maanta ay muuqaneyso mad madow siyaasadeed kala dhaxeeya xildhibaanada intooda badan.
Xildhibaanka mar uu soo hadal qaaday Wasiirada aan dhameystirneyn ee xalay la magacaabay wuxuu sheegay in sida sharcigu yahay ay ahayd in mar kaliya la wada keeno baarlamaanka barnaamijka xukuumaada iyo dhamaan xilalka wasiirada ,wasiir ku xigeenada iyo wasiiru Dowlayaasha.
“lama yaqaan sida uu wax u wado Ra’iisulwasaaraha xitaa wasaarada Tacliinta sare lama magacaabin”ayuu yiri Xildhibaanka Shuuriye
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

