27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xafiiska R/W CCC oo meel laga istaago aan laheyn iyo dacwado ka billowday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow aan ka helnay Xafiiska Ra’isul wasaaraha DF Somalia ayaa sheegaya in xiligaani ay Xafiiskaasi ku sugan yihiin Odayaal la sheegay inay kor u dhaafayaan 12 kuwaasi oo su’aalo R/W CC ka weydinaayo sababta looga reebay Wasiirada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaashaasi ay xubinimadooda ka waayen Wasiiradii xalay la magacaabay, iyadoona R/W CCC uu xiligaani ku howlan yahay qaabka uu ku qancin lahaa.

Odayaasha ayaa la soo sheegayaa inay diiden inay faarujiyaan Xafiiska iyaga oo aan laga qancin sababta keentay inay waayan xilkii ay ku lahaayen Wasaaradaha cusub, waxaana hadda halkaasi ka socda kulan uu Ra’isul wasaaraha ku qancinaayo beelahaasi.

Warar hoose waxa ay soo sheegayaan inuu u balan qaadayo inay kasoo dhexmuuqan doonaan Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada lasoo magacaabi doono, inkastoo ay ka biyo diidayaan.

Dhanka kale, Odayaasha ayaa ku adkeysanaayo in laga dhaqo waxyeelada ay DF Somalia u geysaneyso beelaha laga reebay, iyadoona uu iminku xaalku yahay mid aan suuragalin karin Ujeedka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay ka damacsan yihiin beelaha la qadiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News