Cabdiwali Sheekh oo go’aankii Xasan Sheekh ku tilmaamay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dhowr xildhibaan iyo siyaasiin inta badan ka soo jeeda degaanada Puntland iyo Jubbooyinka aay taageereen go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ansixiyo dikreeto hab maamuska doorashada la filaayo in aay dalka ka dhacdo bisha September ee sanadka 2016, ayaa waxaa taageerada ku soo biiray RW hore Cabdiwali Sheekh kaasoo sheegay in markii ugu horreeysay uu taageero go’aan uu qaato madaxweynaha Xasan Sheekh, isagoo ku macneeyay in go’aanka uu yahay mid aanu isaga ka iman balse qasab looga keenay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in qaladkii ugu weynaa ee sameeyay intii uu ahaa madaxweynaha JFS uu ahaa magacaabida RW hore Cabdiwali Sheekh.
RW Cabdiwali ayaa u ololeeynaya sheegayna in si aad ah looga shaqeeyo in isbedel la arki karo uu yimaado si loo helo doorasho aay ka muuqato is bedel dhab ah, si buu yiri hoggaanka waddanka aay u qabtaan dad aqoon u leh hoggaan bulsho. Dad badan ayaa u arkay hadalka RW hore in uu yahay mid xanaf leh oo qabyaaladeysan.

RW Cabdiwali oo lagu xasuusto fudeyd siyaasadeed ayaa waxa uu la daala dhacayaa sidii uu uga heli lahaa beesha Sade taageero buuxda doorashada 2016. Beesha Sade ayaa ku eedeysay Cabdiwali Sheekh go’aankii darbiga looga dhisaayo xuduuda Soomaaliya uu qaab qabiileysan ugala xaajooday dowladda Kenya. Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay hadaladdii ka soo yeeray RW Cabdiwali kaddib wareysiyo uu ka bixiyay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi bishii Abriil ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com