26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

RW Kheyre oo mushaarkiisa wax ka bari doona 100 arday oo Jaamacad dhigan doonta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa cod dheer ku sheegay inuu bixin doono dhaqaalaha ku baxaaya waxbarashada 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi uu joogteyn doono inta arday kamid ah dhalinyarada 100ka ah ay u harsan tahay waxbarasho.

Waxa uu sheegay inuu ka bixin doono mushaaraadkiisa si buu yiri uu uga qeybqaato is garabtaaga dhalinyarada Soomaaliyeed ee aan iska bixinkarin waxbarashada.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu balan qaaday bixinta kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaanka ayaa ahaa ”Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu balan-qaaday inuu mushaarkiisa ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed 100 arday oo dhowaan ka baxday Dugsiyada Sare ee magaalada Baydhabo”

Geesta kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in Kheyre uu booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Bay isla markaana uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News