Immisa Qof ayaa ku dhimatay Qaraxa gaari ee ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidamada Amaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Qaraxa ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee Muqdisho ay ku dhinteen ilaa iyo 7 Qof halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah (Ambulance),ayaa goobta ka qaaday dadka Waxyaalada gaartay gaar ahaan dadka dhaawaca ah oo hadda lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ka akdhow.

Shaqaalaha gobolka Banaadir u qaabilsan qeybta Nadaafadda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howlo nadaafadeed, si ay u soo celiyaan bilicdii wadada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay tahay goob aad u camiran, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, waxaana xilliyadii galabkii soo fariista dad aad u fara badan oo goobtaasi ku shaaheeya.