Sawirro cusub: Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax loo adeegsaday gaari oo galabta ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho, iyadoo uu baqdin geliyay dadkii marayay Wadada Maka Al Mukarama.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay afafka hore ee Hotel Weheliye ayaa la sheegay in noociisa uu ahaa Harir isla markaana ruuxii la socday uu ka tagay Qaraxa ka hor.

Gaariga ayaa lagu dhaqay Goobta uu yiilay, waxa ayna goobjoogayaal soo sheegayaan in wadihii gaariga uu ninka dhaqaayay u ballanqaaday inuu siinaayo lacag 10$ ah.

Ninkii dhaqaayay gaariga ee lacagta loo balanqaaday ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay Qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in guud ahaan khasaaraha dhimasho uu gaaray ilaa Afar ruux.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa oo gaaraya 6 ruux ayaa waxaa ku jiray dhalinyaro ku shaahayay maqaaxida Xadrami oo dhinaca ku heysa Hoteel Wehliye.