Yaa mas’uul ka ahaa inuu fashil kusoo dhamaado kulankii Golaha Aqalka Sare ee maanta

Muqdisho (Caasimada Online)-Mudanayaal ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa dhaliilo adag ka muujiyay fashilka maanta ku imaaday kulankii ay uga doodi lahaayen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax.

Mudanayaasha qaar ayaa sheegay in fashilkaasi ay ka danbeysay Xukuumada Somalia oo adeegsaneysay shaqsiyaad gaara oo ka tirsan Aqalka Sare.

Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Aqalka sare ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay si cad usoo faragalisay howlaha u gaarka ah Aqalka Sare.

Senator Maxamed Amiin, waxa uu tilmaamay inuu jiro cadaadis xoogan oo ay kala kulmayaan Xukuumada Somalia, waxa uuna cadeeyay in fashilka maanta ku imaaday dooda arrinta Qalbi Dhagax ay sabab u aheyd Xukuumada.

Waxa uu cadeeyay in cadaadiska maanta jiray uu ahaa mid ku saleysnaa si loo baajiyo kulankii Aqalka Sare ay kaga doodi lahaayeen arrinta C/kariin Qalbi Dhagax, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa raaciyay in qorshaha ugu weyn ee lagu baajiyay kulanka arrinta Qalbi Dhagax uu ahaa mid lasii diyaariyay mar hore.

”Waxa dhacay waxaa u sabab ah Xukuumada Somalia oo si cad is hortaag ugu sameysay kulankii maanta looga doodi lahaa arrinta Qalbi Dhagax”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xukuumadda ay sameysay isku daygii ay ku hor-istaagtay shaqadii Golaha shacabka, tan Aqalka Sarena ay dooneyso inay sidaas oo kale sameyso.

Docda kale, Senator-ka ayaa ku baaqay in faragalinta laga dhaafo howlaha Golaha Aqalka Sare si buu yiri loo saxo ciladaha jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com