Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Kheyre ayaa sheegay dowladda inay raadineyso sidii loo xaqiijin lahaa nabadgalyadda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’isul wasaaraha wuxuu sheegay dhammaan xaafadaha magaalada Muqdisho in la geyn doono ciidamo amni, kuwaa oo si gaar ah uga shaqeynaya ammaanka xaafadaha magaalada Muqdisho.
Ra’isul wasaaraha waxa uu tilmaamay in dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa si joogta ah uga dhaca Xaafadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, maadaama waddooyinka ay heegan ku yihiin ciidamada.
Waxa uu sheegay in ciidamada laga howlgalin doono Xaafadaha magaalada ay u dhexeyn doonaan goobaha ay ku qoran yihiin iyo goobaha ay ka dhacaan falalka amni darro ee isla xaafadaha.
Isagoo ka hadlaayay qorshaha lagu howlgalinaayo ciidamada ayuu yiri ”Xilli dhow ayaan rabnaa in amniga Muqdisho aan xaqiijino,waxaana geyn doona xaafadaha ciidamo gaar ah oo amniga sugaya”.
Ra’isul wasaaraha waxa uu sidoo kale sheegay inay la socdaan inay sii kordhayaan falalka amni darro isla markaana ay dowladu go’aan satay inay ka bixi jawaab degdeg ah oo looga hortagaayo amni darida.
Docda kale, Ra’isul wasaaraha ayaa qorshahan soo bandhigay xilli ay kordheen weerarrada ka dhacaya magaalada Muqdisho.

