Doorashada Galmudug oo mar kale dib u dhacday iyo faahfaahin ku saabsan

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Magaalada Cadaado ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug ayaa sheegayo inay mar kale dib u dhacday doorashadii la filayey inay Berri dhacdo.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Magaalada Cadaado doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa dib loo dhigay ilaa 03 May oo ku beegan maalinta Arbacada ah .

Iyadoo manta la falayay in qudbadaha Musharixiinta Maanta ay baarlamaanka ka hor eediyaan ayaa arintaas iyaduna waxaa ku yimid dib u dhac waxaana lagu wadaa in 1-da Bishan oo Isniinta ku aadan ay khudbadohooda jeediyaan .

Doorashada Galmudug ayaa dhowr jeer waxaa ku yimid dib u dhac waxaase lagu wadaa inay 3-da bisha kama dambeys Cadado a ka dhacdo doorahada madaxweynaha Galmudug.

waxaa isku soo taagay ilaa seddex musharax oo kala

1-Axmed Xaaf Ducaale Geelle.

2-Axmed Shariif Cali Hiloowle.

3-Prof Cabdulqaadir Shirwac

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idinla kala socodsiin doonaa Inshaa Allah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET