Maxaa u sabab ah in dib u dhac uu ku yimaada doorashada Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Doorashada ayaa dhaceysa Saddexda Bisha soo socota sida ay sheegeen Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Maxamed Xasan Geelle oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug, ayaa ku dhawaqida dib u dhaca doorashada kadib sharaxaad ka bixiyay sababta ka danbeysay in la dib dhigo doorashada.

Maxamed Xasan Geelle, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab kaga imaaday dhanka dowlada oo loo dib dhigaayo doorashada Madaxweynaha.

Maxamed Xasan Geelle, waxa uu sheegay in qorshaha uu ahaa in doorashada la qabto 30 bishan oo ku beegan maalinta bederi ah, waxa uuna intaa raaciyay in sababta ugu weyn ee dib u dhaca doorashada ay tahay cilad farsamo.

Waxa uu cadeeyay in go’aanka Galmudug uu yahay inaan doorashada loo hakin sabab ka imaada dhanka doorashada isla markaana ay ku dhici doonto si sharaf leh.

Maxamed Xasan Geelle ayaa sida kale sheegay in doorashado ay ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay waxwalbana lasoo dhameystiri doono.

Waa markii Saddexaad oo dib ay uga dhacdo doorashada Galmudug waqtigii loo madalsanaa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET