Waxaa isi soo taraya culeyska beesha caalamka & qeybo ka mid ah hormuudka bulshadda uga imaanaya Madaxweynaha dowladda FS Xassan Shiikh Maxúud, waxaana soo baxaya tallooyin loo jeedinayo Madaxweynaha oo ku saabsan inuu dib uga laabto qorshaha is-casilaada R/wasaaraha, laguna dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya Wasiirka 1-aad wadahadal & is-qancin.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo ka gaabsaday magaciisa, isagoo ka hadlayey barnaamijka sahanka dadweynaha ee ka baxa mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday in ku dhowaad 80 xildhibaan oo ka mid ah kuwii horay u saxiixay mooshinka R/wasaaraha ka dhanka ah in ay dib uga laabteen, sababtuna ay tahay qaabka looga saxiixay mooshinka oo uu ku tilmaamay qaab xildhibaanada laysugu darayo handadaad, caga jugleyn & habaar, isaga oo sheegay in Madaxweynaha & wasiirka madaxtooyadda Faarax C/qaadir in ay jawaano ay lacago ka buuxaan u soo dhiibeen dhalinyaro aan xilkas aheyn oo la yiri xildhibaan kasta lacagta intaas la eg siiya, kana saxiixa mooshinka.
Xildhibaanka wuxuu is weydiiyey “Halka laga keenay dhaqaalaha xaddigaas laég ee xildhibaanada loo qeybiyey.?”
“Xassan Shiikh wuxuu haystaa fursad uu qaladkii ka dhacay kaga laaban karo, hogaamiyayaashu waa sameeyaan qaladaad, waana ka laabtaan, waxaa la gudboon inuu ka laabto, si xal loogu helo khilaafka” ayuu yiri xildhibaankaasi, isaga oo intaa ku daray in marka la fiiriyo dareenka shacabka & aragtida dadweynaha in shacabku ay taageero weyn u hayaan R/wasaaraha, ayna u arkayaan masúul shaqadiisii lagu qabsaday.
Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda oo isna ka hadlayey barnaamijka aragtida dadweynaha (Public opinion) wuxuu sheegay in khilaafka madaxda sare uu sababay dib u dhac weyn oo ku yimid hab-sami u socodkii shaqooyinkii hayádaha dowladda, isaga oo xusay in madaxda hayádaha dowladda ay la kala safan yihiin Madaxweynaha & R/wasaaraha, oo xittaa taliyeyaasha ciidamada ammaanka kala taageersan yihiin madaxweynaha & R/wasaaraha.
“Shacabku waxey qabaan in qofka keliya ee dalka xilligan badbaadin kara uu yahay Xassan Shiikh, waana inuu garowsadaa in xadgudub loo geysto dastuurka uusan xal aheyn” ayuu yiri Masúulkaas.
Isha: Yoobsannews