Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay dilal ay geesgteen kooxo ku hubeysan bastoolado.
Sarkaal ka tirsan hey’adda nabad sugida iyo askari ayaa lagu dilay Isgoyska Siinaay ee degmada Wardhiigleey sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ah.
Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana durba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaasoo baaritaan sameeyay, balse ma jirto dad ay u soo qabteen dhacdadaas.
Waa dilkii seddaxaad oo noociisa ah oo ka dhaca maanta magaalada Muqdisho.
Mar sii horreysay ayaa kooxo hubeysan waxa ay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley ku dileen haweeney la sheegay in ka mid ah ahayd dumarka nadaafadda degmada.
Magaalada oo labadii sanno ee la soo dhaafay ka kabanaysay dagaaladii la haray, ayaa waxaa weli ka dhacay falal dil iyo qara isgu jira.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

