Taleex (Caasimada Online) Waxaa faahfaahin laga helayaa dagaal maanta ka dhacay deegaanka god-qaboobe oo ka tirsan gobolka Sool.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu dhexmaray labo maleeshiyo oo kala taageersan Maamulada Khaatumo iyo Puntland.
Sida ay lee yihiin dadka deeganka, dagaallkan ayaa billowday markii ciidamo ka yimi Buuhoodle oo ku sii jeeday Taleex ay rasaaseeyeen kuwa joogay duleedka deeganka god-qaboobe.
Illaa hadda si dhab looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalka,waxaana wararkii ugu dambeeyay ay ku sheegayaan in xilligaan dagaalka uusan wax dagaal ka socon deeganka lagu dagaamalay.
Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac “Indhasheel”oo caawa la hadlay idaacadaha gudaha, ayaa ku eedeeyay dagaalkii maanta maamulka Puntland.
Wuxuu sheegay in hal askari uu xagooda kaga dhaawacmay dagaalka, balse dhinicii kale ay askar badan ka dileen sida uu hadlaka udhigay.
Maamulka Puntland ilaa hadda kama hadlin eedeenta loo soo jeediyay ee ah in ay ka dambeeyeen dagaalka maanta ka dhacay deegan hoostaga gobalka Sool.
Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa caawa deggan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan maamulka Khaatumo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Gaalkacyo

